Baaritaan dowladeed oo cusub ayaa ku taliyay in la siiyo Försäkringskassan awoodo ballaaran oo lagu xakameynayo dambiyada la xiriira khiyaanada kaalmada bulshada.
Awoodaha la soo jeediyay waxaa ka mid ah qabashada wareysiyo su’aalo ah, ka qeybgalka baaritaanno iyo kormeerro, sameynta dabagal, iyo raadinta xog ku jirta keydadka macluumaadka.
Soo jeedintu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in sanduuqa lagu dhex abuuro unug gaar ah oo ka kooban waax baaritaanno dembiyeed iyo waax sirdoon oo ujeedadeedu tahay in la hortago loona ogaado dambiyada marxalad hore.
Sida ay baahisay Tidningarnas Telegrambyrå (TT), unuggan cusub ayaa la filayaa inuu yeesho inta u dhaxaysa 40 illaa 50 shaqaale, kuwaas oo ku kala sugan siddeed goobood oo dalka ah, isla markaana ka howlgali doona xarumaha booliska.
Awoodaha la soo jeediyay waxaa ka mid ah in Försäkringskassan loo oggolaado inay sameyso wareysiyo, ka qeyb qaadato baaritaanka guryaha, fuliso kormeerro, isla markaana baarto diiwaannada si loo ogaado dambiyada khiyaanada gargaarka iyo dambiyo la xiriira sida been abuur iyo bixinta xog khaldan.
Waxaa kale oo la soo jeediyay in sanduuqa la siiyo awood uu ku fuliyo go’aannada la xiriira qabashada iyo la wareegidda hanti, iyo sidoo kale inuu sameeyo baaritaan elektaroonik ah oo fog (online) si loo raadiyo dukumiintiyo dijitaal ah.
Baaraha dowladeed Mikael Westberg ayaa sheegay: “Awoodaha la soo jeediyay ee la dagaallanka dambiyada waa kuwo xooggan, waxaana muhiim ah in sanduuqa si masuuliyad leh u adeegsado.”



