Baarista: Shirqoolka Dilkii Sheikh Ali Dheere
Allaha unaxariisto, Magaciisa oo dhameystiran sheikh Ali Ahmed Faarax ku caan ahaa Sh Ali dheere Mudo aad u dheer ayuu ka shaqeynayay barbaarinta Agoonta Waalidiintoda geeriyodeen Sida aan xaqiijinay wali Taariikhda kama qayb galin dagaaladii kala duwana ee Dalka ka dhacayay
Bishii April ee Sanadkan ayaa la xiray Kadib eedeyn loo jediyay in uu gacan saar la leyahay kooxaha Argagaxisada sadex goob oo Laamaha Amniga Galmudug iyo kuwa Faderaalka Somalia gacanta ku hayan ee Galkacyo ayaa midba mar la geyay looma Gudbin kiiskiisa Maxkamad mana jirin cadeen rasmi ah Ugu danbeyn lacag madax furasho ah hase yeeshee qaab shaqo loo ekeysiiyay ayaa Qoladii gacanta ku haysay ka qaateen taas oo qiimahedu ahaa 1000$ Kun dolar sido kale waxay kala hareen Telfoonkiisa intas kadib wa laso dayay
Xalay ayay mar kale gurigiisa asago ku sugan u waceen bananka ayu usoo baxay gaari ayaa lagu qaday waxa lagu wareejiyay dhalinyaro Ciidanka isku dhafka ka mid ah lkn deegaan ahana kaso jeda Galdogob kuwas ayaa si arxan daro ah ugu dilay Meel u dhaw Galdogob
Meydkiisa waxa so qaday qayb kale oo isla ciidanka isku dhafka ka mid ah waxa lagu so celiyay Galkacyo, odayaasha Deegaanka Goldogob way qireen Koox lagu tilmaamay maleyshiyo deegaankoda ah inay dileen Sheikh Ali dheere si loogu ekeysiiyo Arinta dilka qaab qabiil lkn waxay diideen dilkan inu qabiil salka ku hayo waxayna ku tilmameen shirqool
Ugu danbeyn Qofka hadi laso eedeyo wuxu xaq u leyahay in Cadaalada la hor geeyo Danbigiisa lagu cadeeyo kadib la xukumo si wafaqsan Sharciga intaas wixi kaso hara waa Mooryanimo Adigoo Shaarka ciidanka dowlada ama kan Shabaab wata qof aad sharci daro iskaga disho waxba isma dhaantiin
Tani wa sharqool waxay dhawacaysa Nabada Gobolka Mudug Sido kale waxay meesha ka saaraysaa kalsoonidii lagu qabay laamaha Amaanka gaar ahaan ciidanka isku dhafka ah wa bilawga Fidnada waxay sameen dontaa kuwa hada taageersan falka noocaan ah.
Mar hadii Cadaaladii tagtoo la tixgalin waayo Inay Nabadu Taam noqota wa tu aan la helin ( Abwaan Xaaji Aadan Ahmed Afqalooc)
Mahadsanidiin Lawadaag asxaabtada
by Siciid Xogolof