Home Wararka Maanta Ayaan Faarax Abuukar oo Qiratay inay Wax Ka dhacday Lacag Gaaraysa $5.7...

Ayaan Faarax Abuukar oo Qiratay inay Wax Ka dhacday Lacag Gaaraysa $5.7 Milyan oo doolar

0

Haweeney Soomaali ah degan magaalada Savage ee gobolka Minnesota ayaa maalintii Jimcaha qiratay doorka ay ku lahayd fal-dambiyeed musuq-maasuq ah oo lagu fuliyay barnaamij federaal ah oo loogu talagalay nafaqeynta carruurta intii lagu guda jiray xanuunkii safmarka ahaa ee COVID-19.

Dhagartan ayaa qeyb ka ah kiiska musuq-maasuq ee ugu ballaarnaa Mareykanka ee la xiriira lacagta COVID-19, kaas oo lagu lunsaday $250 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.

Ayaan Faarax Abuukar, oo 43 jir ah, isla markaana ah aasaasaha hay’adda samafalka ee ‘Action for East African People’, ayaa qiratay inay sameysay khiyaano ah sidii ay Barnaamijka Federaalka ee Nafaqeynta Carruurta (Federal Child Nutrition Program) uga dhici lahayd lacag dhan $5.7 milyan oo dollar.

Waraaqaha dacwadda ee maxkamadda ayaa sidoo kale muujinaya in Ayaan ay siisay lacag laaluush ah oo ka badan $330,000 oo dollar shaqaale ka tirsan hay’adda ‘Feeding Our Future’ si uu ugu fududeeyo fulinta qorshaha musuq-maasuqa.

Dhagartan ayaa ka faa’iideysatay shuruucda federaalka oo la dabciyay xilligaas, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in la xaqiijiyo in carruurtu ay helaan cunto inta lagu jiro xirnaanshaha iskuullada.

Halkii ay carruurta siin lahayd cuntada loogu talagalay, waraaqaha maxkamadda ayaa daaha ka rogay in Ayaan ay lacagihii loogu talagalay gargaarka u weecisay dano gaar ah, iyadoo ku iibsatay dhul ganacsi oo ballaciisu dhan yahay 37-ekaar oo ku yaalla magaalada Lakeville, Minnesota, iyo diyaarad ay ka iibsatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kiiska musuq-maasuqa ee hay’adda ‘Feeding Our Future’ ayaa ah kii ugu ballaarnaa noociisa ee la xiriira masiibada COVID-19 ee soo mara taariikhda dalka Mareykanka.

Baaritaankan ayaa ilaa hadda keenay in dacwad lagu soo oogo 70 qof oo lala xiriirinayo hay’addan samafalka ee xarunteedu tahay gobolka Minnesota, kuwaas oo lagu eedeeyay inay soo maleegeen musuq-maasuqan baaxadda leh.

Mukhtaar Maxamed Shariif, oo 34 jir ah kana soo jeeda magaalada Bloomington, Minnesota, ayaa lagu riday xukunka ugu adag ee ilaa hadda la xukumo eedaysanayaasha kiiskan musuq-maasuqa ee ‘Feeding Our Future’, kaddib markii maalintii Jimcaha lagu xukumay 17 sano iyo bar xabsi ah, ka dib markii lagu helay dambiyada.

Shakhsi kale oo muhiim ah oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac Ismaaciil, oo 51 jir ah, ayaa isna bishii October ee sannadkii 2024-kii lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dambiyo la mid ah kuwa kor ku xusan.

Dacwad-oogista sharciga ah ee la xiriirta kiiska ‘Feeding Our Future’ ayaa sidoo kale soo shaac bixisay isku dayo lagu carqaladeynayay habsami u socodka hannaanka caddaaladda.

Xubintan ka tirsan xeerbeegtida ayaa si degdeg ah u wargelisay mas’uuliyiinta, arrintaas oo keentay in laga saaro, isla markaana lagu soo oogo dacwado shan qof, oo ay ku jiraan saddex eedaysane oo ka mid ahaa dacwaddii asalka ahayd. Shakhsiyaadkan ayaa hadda wajahaya eedeymo la xiriira shirqool, laaluush bixin, iyo faragelin lagu sameeyay hawsha xeerbeegtida.

Ladan Maxamed Cali, oo deggan magaalada Seattle, ayaa iyana bishii September ee 2024-kii qiratay inay bixisay laaluushka la sheegay. Xukunkeeda weli waa la sugayaa.

Maxkamadeynta Aimee Bock, oo ah aasaasaha hay’adda ‘Feeding Our Future’, iyo saddex kale oo la eedaysan, ayaa lagu wadaa inay bilaabato 3-da bisha Febraayo, 2025-ka. Waxaa lagu eedeeyay inay si qaldan u maamuleen lacago federaal ah oo loogu talagalay barnaamijyada nafaqeynta carruurta, taas oo calaamad u ah wejiga xiga ee baaritaankan ballaaran.

Ilaa iyo hadda, 24 qof ayaa qirtay dambiyada lagu soo eedeeyay, halka shan kalena lagu helay dambiyadaas kaddib markii maxkamad la soo taagay.

Wali lama shaacin taariikhda xukunka lagu ridi doono Ayaan.

Ad
Previous articleCiidamada Puntland oo Daacish Ka saaray Saldhigyadii ugu waawaynaa ee ay Joogeen
Next articleXasan Shiikh oo Markale Maantay aaday Safar Dibadeed Xili uu Hada uun Soo laabtay