Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday laba wiil dhalinyaro ah oo lagu helay inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo maxkamadeyntooda soo socotay muddo fog.
Labada eedeysaney ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye, waxayna ahaayeen saaxibo, sida ay sheegtay maxkamaddu.
Baariyow ayay maxkamaddu sheegtay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 10 sanno ah, uuna ku biiray 2012-kii, kadibna uu sii tashkiiliyay saaxibkiis Qoslaaye oo isna Al-Shabaab kamid noqday sanadkii 2020-kii, waxana kadib iskala howlgaleen magaalada Muqdisho.
Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in labadooda ay ahaayeen saaxibo isku bartay istcimaalka maandooriyah loo yaqaan Xashiishka oo ay wada isticmaalayeen.
Sidoo kale maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Xasan iyo Aadan Maxamed ay ahaayeen jawaasiis soo hubiyo howlaha la fulinayo ee dilalka iyo weerarada ka dhaca magaalada caasimada ah ee Muqdisho ilaa deegaanka Ceelasha Biyaha.
Sidaan oo kale ayaa dhowr jeer oo hore Maxkamadda Ciidamadu xukuno adag ugu ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya.