Home Wararka Maanta Axmed Mdoobe)oo soo saaray wareegto oo isku shaandheyn ballaaran oo lama...

Axmed Mdoobe)oo soo saaray wareegto oo isku shaandheyn ballaaran oo lama filaan ah ku sameeyay golihiisa wasiirada

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Mdoobe) oo maanta soo saaray wareegto ayaa isku shaandheyn ballaaran oo lama filaan ah ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Wareegtadan oo ay shaacisay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale madaxweynuhu ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya golaha Wasiirada.

Sababta ugu weyn ee uu isbeddalkan u sameeyay madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto sidii loo heli lahaa xukuumad tayo leh oo u adeegta shacabka.

Tallaabada uu maanta qaaday Axmed Madoobe ayaa waxaa sidoo kale saameysay illaa 9 wasaaradood oo ay gaartay isku shaandheynta, kuwaas oo kala ah:-

1-Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta waxaa loo magacaabay Cabdiwahaab Axmed Ismaaciil.

2-Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda waxaa loo magacaabay Saleebaan Maxamed Maxamuud

3-Wasiirka isgaarsiinta, boostada iyo teknololjiyadda waxaa loo magacaabay Mascuud Cabdullaahi Axmed.

4-Wasiirka ganacsiga iyo warashadaha Jubbaland waxaa loo magacaabay Ibraahim Xasan Cabdi.

5-Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Jubbaland waxaa loo magacaabay Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar.

6-Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarahawaxaa loo magacaabay Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir.

7-Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.

8-Wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga waxaa loo magacaabay Axmed Xasan Cumar.

9-Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha dastuurka waxaa loo magacaabay Cabdiweli Xuseen Jaamac

Sidoo kale isku shaandheyntan ayaa saameysay wasiir ku xigeenada illaa 6 wasaaradood iyo hal wasiir dowle oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Wafdi Culus Xili Dhuusamareeb kusoo laabtay(Sawiro)
Next articleCali Jayte Cismaan oo oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab kadib qaraxii ka dhacay Beledweyne