Home Wararka Maanta Axmed Madoobe Shalay Gaaray Nairoobi iyo Dowlada Soomaaliya oo ka Carootay Talaabana...

Axmed Madoobe Shalay Gaaray Nairoobi iyo Dowlada Soomaaliya oo ka Carootay Talaabana Qaaday

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay u yeertay safiirka Kenya ee Muqdisho kadib markii madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) uu ka degay magaalada Nairobi isagoo saaran diyaarad gaar ah. 

Sida aan xog ku helnay, dowladda ayaa safiirka u gudbisay warqad cabasho ah oo ku saabsan safarka Axmed Madoobe, oo ay aad uga carootay. 

Ilo ku dhow dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Warqad loo gudbiyay Safiirka looga dalbaday inuu muddo kooban jawaab ku soo bandhigo oo ku saabsan “Tallaabadii sharci darada aheyd ee diyaarad laga leeyahay Kenya ay ugu soo xadgudubtay hawada Soomaaliya, iyadoo dansatay raadaarka oo ay ku qaaday shaqsi eedeysane ah oo maxkamad ay dacwad ku soo oogtay,” sida lagu yiri warqada cabashad ah.

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee dibedda ah ee uu galo tan iyo markii dib loogu doortay hoggaanka Jubaland, natiijadaas ay diiday in ay aqoonsato dowladda federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in haddii aanay Kenya jawaab lagu qanco bixin ay horseedi doonto in mar kale uu xumaado xiriirka Nairobi iyo Muqdisho, ayada oo dowladda federaalka ay qaadi doonto tallaabooyin jawaab ah.

Dhinaca kale, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Axmed Madoobe uu la kulmi doono safiirrada beesha caalamka ee Kenya si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee saameynaya Soomaaliya.

Xogta aan helnaya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ka dib marka uu soo gaba-gabeeyo kulamadiisa Kenya, uu Axmed qorsheynayo inuu u safro Imaaraadka Carabta isagoo ku tegaya booqasho rasmi ah.

Safarka dibedda ee Axmed ayaa loo arkaa isku day lagu raadinayo taageero uga timaada daneeyayaasha dibadda iyadoo ay jirto caqabadaha gudaha ka jira.

Wadahadalladiisa Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii xal loogu heli lahaa khilaafka socda iyo horumarinta Jubaland.

Xiriirka xumaaday ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya muran ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo dib-u-habeynta doorashada.

Dib-u-doorashadii Axmed ayaa waxaa ka horyimid dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay dagaalkii Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWaa Sidee Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo Xalay Dagaalo Ka Dhaceen?
Next articleWaa Kuwee Sadexda Dal ee garab Istaagay Axmed Madoobe dhagahana Ka Furaystay Dowlada Soomaaliya?