Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Salka Lagalay Ahlusuna Waljamaaca

Axmed Madoobe oo Salka Lagalay Ahlusuna Waljamaaca

0

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dib boorka uga jafaya Ahlu Sunnadii Gobolka Gedo, xilligan oo maamulkiisu ay xiisad kala dhaxeyso Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa 17-kii bishan waxa uu Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi) u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Gedo, isagoo markaasi bedelaya Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) oo ka horyimid dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland.

Al-Qaadi oo ka tirsanaa Saraakiishii Ahlu Sunna ee gobolkaasi ayaa waxay magacaabiddiisu ahayd mid uu Hoggaamiyaha Jubbaland ku soo nooleynayo doorkii Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolka.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa la xusuustaa in sanadkii 2011 ay gacan weyn ka gaysteen hawlgaladii ay Ciidamada Dowladda ku xoreeyeen Degmooyinka Luuq, Beled Xaawo iyo Garbahaarey oo Xarunta Gobolka Gedo ah, waxay sidoo kale ka qayb qaataan hawlgalo la isugu furay isu socodka waddooyinka ee degmooyinka gobolkaasi qaarkood.

Saamaynta Ahlu Sunnada Gobolka Gedo ayaa yaraatay ka dib markii la dhisay Dowlad Goboleedka Jubbaland sanadkii 2013, waxayna kaalinteedii gobolka ay meesha ka baxday ka dib geerida Hoggaamiyihii Ahlu Sunnada Gobolada Koonfureed, Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw Libaax), kaas oo bishii June ee sanadkii 2017 u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Saldhigga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Markii ugu dambeysay ee la arko hawlgal ay ka qayb qaadanayaan Xoogaga Ahlu Sunna wuxuu ahaa hawlgalkii ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee la oran jiray AMISOM ay bishii July ee sanadkii 2015 maleeshiyada Al-Shabaab kaga saareen Degmada Baardheere. Tan iyo xilligaasi xoogagan ayaan lagu arkin furimaha hore ee Gedo, sababtu tahay Jubbaland oo ka shaqeysay in la kala diro, in yar oo ka mid ah mooyee oo ciidamada lagu soo biiriyay.

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gedo oo Isniintii gaaray Degmada Doolow oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku dagaalameen ayaa u gacan haatinaya Xoogagii Ahlu Sunna ee ku midoobay la dagaalanka Al Shabaab.

Al-Qaadi iyo Axmed Madoobe waxay labaduba fahamsan yihiin in xerta Ahlu Sunna ay gacan ka gaysan karaan difaaca maamulka, haddii qalabka ay u baahan yihiin la siiyo.

Xerta Ahlu Sunna ayaa la filayaa in qaybtoodii ugu horreysa ay saacadaha soo socda ay gaaraan Degmada Doolow, iyagoo isaga kala imanaya deegaanada gobolka.

Xertan oo la sheegayo in qaab beeleed loo soo abaabulay ayaa waxay qayb ka noqon doonaan ilaalada Gudoomiye Al-Qaadi iyo Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Al Qaadi uu maalmahaanba la xiriirayay xerta iyo odayaasha beelaha gobolka qaarkood, isagoo u sheegaya in la joogo waqtigii Ahlu Sunnada Gedo ay dib uga soo muuqan lahayd fagaareyaasha Jubbaland.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa inoo sheegay in Jubbaland ay u muuqato mid ka faa’iideysanaysa wax aysan Dowladda Federaalka ku baraarugsaneyn.

Saraakiishan oo codsaday inaanan magacooda Warbaahinta loo adeegsan ayaa ku waramaya in haddii xoogagan ay la soo saftaan Jubbaland ay dhibaato ku noqon karto Dowladda Federaalka, inta ay xiisaddan taagan tahay, maadaama ay dowladdu waddo qorshe ay si ku-meel-gaar ah gobolka uga jareyso Jubbaland

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleSomaliland oo Ciidanka Liyuu Boolis ku eedeesay inay Xasuuq ka geesteen Dacawaley
Next articleMuxuu Madaxweyne Xasan Shiikh kala Hadlay kuna Qanciyay Madaxweynaha Ereteeriya?