Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Axmed Madoobe oo kusoo Wajahan Muqdisho

Axmed Madoobe oo kusoo Wajahan Muqdisho

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay hadal ka jeediyey Kismaayo ayaa balan-qaaday in wadahadalkii dowladda federaalka uu dib ugu laaba doono hadii berri mar kale loo doorto Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa balan-qaadkaan ka hor jeediyey baarlamaankii uu dhowaan soo dhisay, isagoo ka codsaday inay berri doortaan, isagoo u sharaxay sida uu qorsheynayo in uu dib ugu soo celiyo wadashaqayntii ay Jubbaland la lehayd dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaa jira qodobo aan isku haynay, laakiin waxaan diyaar u nahay hadii aad i doorataan mudane gudoomiye iyo xildhibaano, inaan isku dayayo bal inaan dowladda federaalka ka wadashaqayno oo dib ugu soo noqono miis wadahadal,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Maamulka Jubbaland ayaa 10-kii bishan November waxa ay sheegeen in ay xiriirka u jareen dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana cirka isku sii shareeraya khilaafka ka dhashay doorashadaan.

Waxaa shalaymagaalada Kismaayo ka bilaabatay hadal-jeedinta musharixiinta shalay is-diiwaangeliyay oo gaaraya 4 musharrax oo kala ah:

1- Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),
2- Faysal Maxamed Mataan,
3- Abubakar Cabdi Xasan,

4- Dr. Cabdi Xasan Xajiin.
Musharaxiintan ayaa hortegay golaha wakiilada 3-aad ee Jubbaland, waxayna u soo bandhigeen barnaamijkooda siyaasadeed, iyagoo ka codsaday inay doortaan.

Musharixiinta is-diiwaangeliyay waxaa ugu cad madaxweynaha hadda talada haya Axmed Madoobe oo shalay qaatay shahaadada, kaas oo doonaya in markii 3-aad uu sii hoggaamiyo maamulka, wuxuuna ballan qaaday inuu dhameystiri dooni shaqada u taalla, wadashaqeyntii dowlada dhexana ee soo celinayo.

“Aadbaan ugu faraxsanahay inaan isku soo taago aniga oo rabo inaan dhameystiro wixii aan ka tegay, waxaana gaarsiin doonaan meel fiican” ayuu yiri Axmed Madoobe oo doonaya in mar kale uu sii hoggaamiyo maamulkaas, isagoo diidmo culus kala kulmaya dowladda federaalka.

Ad
Previous articleATMIS oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay muranka doorashada ee ka taagan Kismaayo