Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe oo ka Hadlay Jabkii Alshabaab lagu Gaarsiiyay Buulaxaaji

Axmed Madoobe oo ka Hadlay Jabkii Alshabaab lagu Gaarsiiyay Buulaxaaji

0

Madaxweynaha jubaland ayaa Goordhow Soo Saaray Qoraalkaan:

Waxaan hambalyo u dirayaa Ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo Xooga dalka oo guul tariikhi ah ka garaay dagaalada maanta ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo Xooga dalka oo ka jawaabaya weerar ay Khawaariijtu ku qaadeen deegaanada BuuloXaaji, Harboole, iyo Biibi ayaa cagta mariyay dhagarqabayaasha weerarka soo qaaday.

Sida Sarakiisha Ciidamada ay xaqiijiyeen 135 dhagarqabe ayaa lagu dilay howlgalkan iyadoo tiro ka badan 80 dhaawac iyo maxaabiis isugu jira ay gacanta ku dhigeen Ciidamada.

Sidoo kale waxay Ciidamadu gacanta ku dhigeen hub farabadan oo markii la jabiyay ay ka carareen khawaariijtu iyadoo hubkaas uu ka kooban yahay noocyada fudud iyo kuwa culus.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Ummada Soomaaliyeed inaan u midowno xoreynta dalkeenna si aan uga guulaysano cadowga ay ka go’antahay inay dabarjaraan ummada Soomaaliyeed.

Guulyasta Geesiyaal.

Ad
Previous articleDowlada soomaaliya oo Waji kale u Yeeshay Hubki lagu Boobay Caabudwaaq
Next articleWariye Cali Nor Salaad oo Saakay Warkaan Baahiyay Ayaa Caawa Xabsiga la dhigay