Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo ka Hadlay Arinta Gobalka Gedo Farmaajana U Mahadceliyay

Axmed Madoobe oo ka Hadlay Arinta Gobalka Gedo Farmaajana U Mahadceliyay

0

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay isbadalka Cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shantii sano ee lasoo dhaafay dalka soo hogaaminayay isla markana aqbalay natiijada doorashada.

Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay isla markana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayn ee ay soo qabteen.

Madaxweynaha Cusub ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Madaxweynahu Alle uga baryay inuu la garab galo shaqada culus ee hortaala isagoo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Dowlada Cusub garab istaagan si shaqooyinka horyaala ay u fuliso iyadoo haysta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafad ay abuurtay Dowlada Federaalka ah gaar ahaan Gobolka Gedo Madaxweynahu wuxuu sheegay in la xalin doono wax walba oo caqabado ah oo jiray isla markana caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa balse aan qusayn bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maanta laga bilaabo la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana aanay jirin maamul Cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu sheegay in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii Dowlada Federaalka ah ay gobolkaas ka abuurtay aan cidna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin wax walbana.

 

 

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleP.M Rooble oo La Kulmay Madaxweynaha Cusub ee Imaaraadka Carabta Codsi ugudbiyay(Sawiro)
Next articleCiidamada Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Shalay Gaalkacyo Dad ku Laayay