Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta shir jaraa’id qabtay, ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda federaalka, isagoo ku dhaleeceeyay in ay cunaqabateyn saartay maamulkiisa. Wuxuu sidoo kale farriin u diray hay’adaha gargaarka bixiya.
“Dowladda dhexe shacabka uma shaqeyso ee waa ka shaqeysataa. Dalkani waa federaal, waxaana la rabaa in maamul kasta uu xuquuqdiisa si toos ah u helo. Haddii la yiraahdo wax kasta anagaa masuul ka ah oo anagaa maamuleyna, wadanka dhan ciriiri ayuu gelayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dowladda federaalka ay siyaasadaysay deeqihii iyo gargaarkii loogu talagalay Jubbaland, wuxuuna codsaday in maamulkiisa si gaar ah loola macaamilo, halkii dowladda federaalka loo marsiin lahaa.
“Ma aqoonsanin in dowlad Soomaaliyeed ay Muqdisho ka jirto. Inta dowlad la isla ogolyahay laga helayo, Jubbaland waxay dalbaneysaa in si toos ah loola macaamilo,” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxda dowladda federaalka, isagoo ku dhaliilay in ay dalka u horseedayaan burbur, islamarkaana ay siyaasadeeyeen wax kasta oo muhiim u ahaa shacabka iyo qaranka.
“Xuquuq kasta oo aan lahayn waxaa leexsatay dowladda federaalka. Ilaa inta dowlad Soomaaliyeed laga helayo, ma doonayo in hay’adaha gargaarka iyo deeqaha nala soo marsiiyo dowladda federaalka, wax nagala dhexeeyana ma jiraan, umana aqoonsanin in dowlad Soomaaliyeed ay maanta Xamar ka shaqeyneyso,” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cunaqabateyn toos ah saartay Jubbaland kadib markii uu qarxay khilaaf xooggan oo labada dhinac soo kala dhex galay, kaasoo gaaray heer gacan ka hadal. Axmed Madoobe ayaa maanta qiray in cunaqabateyntaas ay saameyn ku yeelatay maamulkiisa.