Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Digniin adag kasoo saaray Dagaalka Luuq

Axmed Madoobe oo Digniin adag kasoo saaray Dagaalka Luuq

0

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Baaq Nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay tahay wax aan loo baahnayn dagaalka u dhexeeya dadka walaalaha ah ee ku nool degmada Luuq ,iyadoo dadka deegaanka ay kasoo kabanayaan saamaynta fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay sannadkii hore walina ay jirto saamaynta ay xaaladaas ku reebtay nolosha bulshada.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee naf iyo maalba leh ay taabanayso dhammaan dhinacyada loona baahan yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka.

Madaxweynahu wuxuu digniin adag u diray askarta ku milmaysa shaqaaqadan, isagoo xusay in askariga ku lug yeesha dagaalkan talaabo adag laga qaadi doono.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaaladii U Dhaxeeyey Beelaha Sacad iyo Laylkase
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya aheyn dalka xadgudbay