Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Axmed madobe oo Xamar kasoo Dajiyay ciidamadii Dowlada ee lagu Qabtay Raaskanbooni

Axmed madobe oo Xamar kasoo Dajiyay ciidamadii Dowlada ee lagu Qabtay Raaskanbooni

0

Magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose waxaa diyaarado laga soo saaray ciidankii dowladda federaalka ee dagaalka lagu qabatay Arbacadii lasoo dhaafay, kuwaas oo gacanta u galay Jubbaland.

Sida ay ogaatay Warbaahintu tirada askarta maxaabiista ah ee Jubbaland ay ku qabatay dagaalkii Raaskambooni waxay gaareysaa 83 askari oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland oo Wasiirro, guddoomiyaha Kismaayo iyo saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray deegaanka Raaskambooni.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ku wareejiyey askartaan maxaabiista ah, waxayna sheegeen inay ka xunyihiin dagaalkii dhacay iyo in wiilal Soomaaliyeed ay maxaabiis ahaan u heystaan.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa isla maanta labo diyaaradood u dalabtay ciidankaas, si Muqdisho ay uga soo dejiyaan, diyaaradii koowaad ayaa galabta Raaskambooni ka soo qaaday 33 askari oo ciidankii dagaalka lagu qabtay ah.

Diyaaradii labaad ayaa Raaskambooni kasoo qaaday 50 askari, sidaas ayuu ciidanka lagu qabtay dagaalka ku ahaa 83 askari, askarta qaar waxay qabeen dhaawacyo kala duwan, waxaana galabta Maqribkii laga soo dejiyey Muqdisho.

Taliyaha qeybta 43-aad oo goobta ciidankaan laga soo qaaday warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Kismaayo uu ka soo baxay isagoo aan fasax ka heysan dowladda federaalka, isla markaana uu Jubbaland kala wareegay askartii ay maxaabiis ahaanta u qabteen, si wiilal Soomaaliyeed oo dhaawacyo iyo dhibaatooyin kale qaba aysan daryeel la’aan ugu dhiman Raaskambooni.

Taliyaha ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo siyaasadaha is diidan ee Jubbaland iyo dowladda Federaalka, wuxuu sheegay in Raaskambooni ay ku jirto deegaanada uu Taliska Xoogga Dalka wakiilka uga yahay, isagoo askarta weli duurka ku jirta ka codsaday inay yimaadaan Raaskambooni, inta uu joogo, si dib loogu celiyo Muqdisho iyagoo nabad qaba.

Masuuliyiintii Jubbaland ee maanta Raaskambooni tagtay ayaa dhankooda gar-naqsaday, waxayna sheegeen in dowladda federaalka ay masuul ka tahay fool xumadii ka dhacday Raaskambooni, iyagoo ku eedeeyey inay ku soo duushay deegaan nabad ah oo 2011-kii laga nadiifiyey Khawaarijta.

Arbacadii lasoo dhaafay dagaal culua ayaa ka dhacay Raaskambooni, waxaana sidaas kula wareegay ciidamada Jubbaland, ciidamada dowladda oo dagaalka looga adkaaday ayaa duurka galay, waxayna ku sugan yihiin xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, lamana oga talaabada xigta ee dowladda federaalka ay qaadi doonto.

Ad
Previous articleMaraykanka oo ka Hadlay Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankara
Next articleDagaal Qaraar oo Kasocda Gobalka Galgaduud