Home Wararka Maanta Axmed Karaash oo markale weerar Afka ah ku qaaday Saciid Deni

Axmed Karaash oo markale weerar Afka ah ku qaaday Saciid Deni

0

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo boqolaal dadweyne ah Salaada Ciida kula tukaday magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntaland, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa isaga iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Karaash oo weerar toos ah ku qaaday Deni ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo Dastuurka Puntland, sidoo kalena lagu dhaqmo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in sharciga uusan noqon mid ku jira jeeb, isla-markaana lala aado meeshii la doono, sida uu hadalka u dhigay.

”Puntland maahan boombale dhabarka lagu qaato oo haddii la doono Ukrain lala aado waxaa loo baahan yahay in sharciga la ixtiraamo kaas ayaan isku keen keenay, kaas ayaan ku heshiinay kaas ayaa loo baahan yahay inaan adeecno,” ayuu yiri Karaash.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Puntland inay muujiyaan degenaan, isla-markaana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololohiisa doorashada ee xilka madaxweynaha.

Si kastaba, Deni ayaa dhowaan jawaab culus ka bixiyey tallaabooyin uu qaaday Karaash, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabis uu sameeyey, taas oo uga sii dartay khilaafka u dhexeeya labada nin.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleSheekh Aadan Madoobe oo casuumad ka helay Dowladaha C6+ (Sawirro)
Next articleSomaliland oo lagu dilay Gabar ka Shaqeneysay Mid kamid ah Wasaaradaha Maamulkaasi