Home Wararka Maanta Axmed Karaash oo Digniin Adag Usoo Diray Dowlada Soomaaliya

Axmed Karaash oo Digniin Adag Usoo Diray Dowlada Soomaaliya

0

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qoraal hanjabaad ah ka soo saaray hadalkii uu sheegay wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hor tegay guddi ka tirsan golaha shacabka oo kulan su’aalo weydiin ah ugu yeeray.

Wasiirka oo hortegay guddiga Kheyraadka ee golaha shacabka ayaa wajahay su’aalo intooda badan ku saabsanaa shidaalka Soomaaliya, wuxuuna soo bandhigay xog badan.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaadka sanadkaan iyo bilowga sanadka cusub ay Soomaaliya soo saara doonto Kheyraadkeeda Shidaalka, isagoo shaaciyey meelaha ugu badan oo shidaalka ku jiro.

Galmudug, gaar ahaan aagga Hobyo ayuu sheegay in Shidaalka ugu badan uu ku jiro, isla markaana laga bilaabi doono shidaal qodista, sidoo kale goobihii uu tilmaamay waxaa ka mid ahaa Ceelka Shiidaalka ee Holhol, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in laga howlgalo.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter (X) wuxuu ku sheegay inuu dhageystay hadalka Wasiirka Batroolka XFS uu ku shaaciyey inay saxiixeen xirmooyin Shidaal oo uu ka mid yahay Ceelka Shiidaalka ee Holhol.

“Waxaan la wadaagaynaa Shirkadaha Caalamiga ah inaan wakhti kaga lumin Ceelka Holhol iyo khayraadka kale ee deegaanadaasba, aysana jirin cid awood u leh inay heshiis ku soo gasho, iyadoon loo marin dariiq saxa oo heshiis lagu wada yahay,” ayuu soo qoray madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash.

Puntland iyo dowladda federaalka ayaa ku kala tegay wax kasta oo ay wadaageen, inkastoo aysan Puntland ku dhiira karin inay sheegato in sida Somaliland ay gooni isku taag sameyso, hadana waxaba uga reeban dowladda dhexe, Karaash oo hadalkaan yiri kama tirsana hadda maamulka ku kacsan dowladiisa ee Saciid Deni uu hoggaamiyo.

Ad
Previous articleWasiir Fiqi oo Dagaal Diblomaasiyadeed kawada Dalka Masar
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal Culus oo Goordhow Ka Qarxay Gobalka Mudug