Taliska howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa saldhigga deegaanka Bariire ku wareejiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah qorshaha ku aadan bixitaanka ciidamadan oo hadda ku socdo si tartiib ah.
Si gaar ah waxaa ATMIS saldhigga ugala wareegay sarkaal lagu magacabao Muxudiin Axmed, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo munaasabadda uga mahadceliyay taliska ciidanka Midowga Afrika ee muddada joogay halkaasi.
Taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in mudaddii ay joogeen halkan wax badan ka qabteen Bariire, isaga oo u rajeeyay ciidamada dowladda inay gaaraan guullo kale oo waa wayn.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii garab istaagi doonaan ciidanka Soomaaliyeed, si uu amniga dalka ugu guuleysto mustaqbal dhow, maadaama ay ka baxayaan dalka.
“Waxaan si wadajir ah uga shaqeyn doonaa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd mustaqbal ifaya, kaasoo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam, iyo hadafka guud ee ah in la helo nabad waarta,” ayuu yiri Mbuusi oo si rasmi ah u wareegjiyay saldhigga deegaanka Bariire
ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka.