Home Wararka Maanta ATMIS Oo Ciidanka Xoogga Dalka Ku Wareejisay Saldhigoodii Cabdalla Biroole

ATMIS Oo Ciidanka Xoogga Dalka Ku Wareejisay Saldhigoodii Cabdalla Biroole

0

Ciidamada xoogga dalka ayaa Ciidamada ATMIS kala wareegay saldhigii ay kulahaayeen deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo ay shalay isaga baxeen.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa tan iyo bilowgii bixitaanka Ciidamada ATMIS la wareegay saldhigii afaraad taasoo muujinaysa sida ay ugu diyaarsanyihiin la wareegista Amniga guud ee deegaanada Jubbaland.

Col Maxamed Xassan Barre (Gaboobe) Talyaha Guutada koowaad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo saraakiisha ATMIS kala wareegay saldhigga Cabdalle Biroole ayaa sheegay in ay u diyaarsanyihiin sidii ay ay gacan buuxda ugu hanan lahaayeen amniga guud ee Jubbaland.

Ad
Previous articleDagaal Qaraar oo Gadiid Dagaal lagu Kala Furtay oo Saakay Markale Ka Qarxay Gobalka Mudug
Next articleFaahfaahin Qarax Ka Dhacay muqdisho iyobCida Lala Eegtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here