Home Wararka Maanta Askari Shukaansi lagu soo qabtay ee Taliyihiisa Dhaawacay oo Xukun adag lagu...

Askari Shukaansi lagu soo qabtay ee Taliyihiisa Dhaawacay oo Xukun adag lagu riday

0

Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka , kaa oo  lagu helay in uu dhaawac culus u geestay taliyihiisa.

Dable Xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsan guutada Cali Bin Abii Daalib, ayaa loo soo xiray inuu dhaawac culus uu u geystay taliye unugiisa Dable xoogga Axmed Cabdullaahi Maxamed, uu xabbad afka uga dhuftay, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan horaantii sannadkan.

Askariga dhaawaca geestay oo ka baxsaday degmada Maxaas ayaa lagu xiray xabsi kuyaalla degmada Guriceel, halkaas oo la sheegay in markii dambe kasoo baxday uuna soo galay magaalada Muqdisho qeybo kamid ah uu muddo ku dhuumaaleesanayay.

Gabar haasaawe jaceyl oo been ah iyo shukaansi la jishay askarigan fakadka ahaa ayaa ciidamada ammaanka u suurto galisay in ay gacanta kusoo dhigaan, kaddib markii ay gabadhan ballamisay askariga kuna wargalisay laamaha amniga halka uu joogo.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Baarlamaanka Jubaland oo Ansixiyay Go,aan U Hiilinaaya Axmed Madoobe
Next articleDawladda Itoobiya oo ka hadashay markii u horeysay kulankii Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya & Itoobiya ku dhexmaray Ankara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here