Home Wararka Maanta Askari isku dhigay Gaari Buruuf oo Qaraxyo Alshabaab kusoo Rareen Iyo askar...

Askari isku dhigay Gaari Buruuf oo Qaraxyo Alshabaab kusoo Rareen Iyo askar kale oo Ku Dhimatay Qarixii saakay

0

Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ahaa oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan dhanka degmada Garasbaaley kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxa oo Al-Shabaab ay ku beegsatay bar-koontarool oo ay ciidamada NISA ku leeyihiin halkaasi.

Qaraxaan waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dadka qaraxan ku dhintay waxaa kamid ah Fahad Salaad Maxamed oo ahaa askari ka tirsan ciidanka Nabad-Sugidda kaas oo sameeyay naf-hurnimo, sida lagu soo xigtay saraakiisha amniga.

Fahad ayaa ahaa darawalka gaarka ah ee taliyaha NISA ee qaybta galbeed, waxaana lasoo wariyay in gaari Cabdi Bile ah oo uu waday uu ku horjaray gaariga siday qaraxa oo doonanay inuu xoog kusoo dhaafo goobta ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana sidaas ku qarxay gaariga, ayada oo marxuumka iyo askar kale ay ku geeriyoodeen goobta.

Wiilkan dhalinyarada ee geeriyooday ayaa lagu amaanay tallaabada geensimada leh ee uu qaaday, ayada oo aad looga hadlay hadal hayo baraha bulshada ee Internet-ka.

Dhinaca kale waxaa jira qarax kale oo ay ka hortageen ciidanka NISA, kaas oo ka dhacay duleedka Ceelasha Biyaha kadib markii ay ciidamadu ka hortageen gaariga kale oo siday qarax.

Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayo inay ka fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ad
Previous articleObama oo Weerer ku Qaaday Donal Trump oo Hataan loolan adag Ku jira
Next articleSanbaloolshe oo Gaaray Xeradii lagu Fashiliyay Qaracyadii Saakay