Home Wararka Maanta Askar Maantay Tababar looga Furay Dhuusamareeb iyo Taliye Haambacoor oo kasoo Dhex...

Askar Maantay Tababar looga Furay Dhuusamareeb iyo Taliye Haambacoor oo kasoo Dhex muuqday

0

Taliyaha qaybta 21aad Col. Maxamed Dhagawayne ayaa maanta tababar uga furey magaalada Dhuusamareeb askar iyo saraakiil xigeeno ka tirsan qaybta 21aad, gaar ahaan Ururka 1aad ee guutada 27aad iyo taliska qaybta.

Tababarkan oo ay bixinayaan macalimiin aqoon durugsan leh oo talisku usoo xuley diyaarinta ciidankan ayaa si gaar ah loogu barayaa taliye kooxyada, taliye horinada iyo taliye unugyada ka socday guutada iyo taliska qaybta Hoggaaminta Ciidanka, halka askarta labarayo dishibiliinka iyo shuruucda Ciidanka, tabta dagaalka iyo wax walba oo looga baahan yahay askari qaran.

Taliyaha qaybta 21aad Col. Maxamed Dhagawayne oo ay Munaasabada furitaanka tababarkan ku wehliyeen Taliyaha guutada 27aad Gaashaanle Saalim iyo Saraakiil kale ayuu taliyuhu kula hadley ciidankan iyo saraakiishooda, isagoo kula ku booriyay in ay u diyaar garoobaan weeleynta aqoonta iyo dadaalka ay ku bixinayaan macalimiintooda, sidoo kalena ay ku baraarugaan in tani tahay fursad ay heleen oo ay ku horrumarin karaan ciidannimadooda.

Taliyaha ayaa sidoo kale macalimiinta farey in ay isha kuhayaan sida ay u kala dadaal bataan adkarta, taasoo uu sheegay in lagu qiimeyn doono qof waliba mudnaanta uu yeesho, si gaar ahna uu u kormeeri doono mudada tababarku u socdo si uu ula socdo warbixintooda todobaadlaha ah.

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleMooshin ka Dhan ah Raysulwasaare Xamse oo Durbaba Bilowday
Next articleCiro oo Imaaraadka Lagalay Heshiis aysan Soomaaliland Waligeed Galin