Home Wararka Maanta Askar la duubay iyaga oo mayd ka soo tuuraya dabaq dushiis oo...

Askar la duubay iyaga oo mayd ka soo tuuraya dabaq dushiis oo ay dawladoodu baaritaan ku bilowday

0

Dawladda Israa’iil ayaa waxay bilowday baaritaan kadib markii muuqaal laga duubay askartooda oo saddex mayd oo Falastiiniyiin ah ka tuuraya saqafka kore ee guri xilli ay hawl gal ka wadeen daanta galbeed ee la haysto.

Muuqaalka dhacdada oo lagu duubay magaalada wuqooyiga ku taalla ee Qabatiya una dhaw Jenin, ayaa intaas kadib waxa uu muujinayaa cagaf ay leeyihiin milatariga Israa’iil oo qaadaya maydadka.

Sawirada ayaa waxay dhaliyeen caro balaaran. Ciidamada Difaaca ee israa’iil, magacoodana loo soo gaabiyo IDF ayaa waxay sheegeen maalinkii Jimcaha in tani tahay “dhacdo aad u daran” oo aan “boos ku lahayn” qiyamka iyo waxa laga rajeynayay ciidamada.

Dadka Falastiiniyiinta ah ee aagga degan ayaa waxay sheegeen in ugu yaraan 7 qof ay ciidamada Israa’iil ku dileen magaalada Qabatiya Khamiistii.

Sida ay qabaan shuruucda caalamiga ah askarta ayaa waxay waajib ku ah in ay ilaaliyaan xurmada maydka oo uu ku jiro xitaa kan cadowga ay is hayaan.

Ciidamada israa’iil ee IDF ayaa waxay sheegeen in ay magaalada Qabatiya ka sameeyeen hawlgal argagixiso la dirir ah, kaas oo intii lagu guda jiray ay ku dileen afar dagaal yahan oo ku dhintay “rasaas la is waydaarsaday” saddex kalana in ay ku dhinteen duqayn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ku dhufatay gantaal gaari ay saarnaayeen.

Wariye ku sugan magaalada Qabatiya ayaa waxa uu u sheegay BBC da suabaxii Khamiistii in ciidamada Israa’iil ay hareereeyeen dhisme ku yaalla magaalada.

Waxa uu sharraxaad ka bixiyay sida afar nin oo ku sugnaa guriga ay ugu carareen saqafka kadib ay u dileen shiishyahano.

Dagaalka ayaa cabaar socday gudaha magaalada, balse markii uu qaboobay ayuu sheegay in uu arkay ciidamada Israa’iil oo aaday saqafka dushiisa kadibna maydadka dhinac ka soo tuuraya, kadibna ay ku qaadeen cagaf.

Mar wax laga waydiiyay dhacdadaan ciidamada IDF ayaa waxay sheegeen” “Tani waa dhacdo aad u xun oo aan la jaan qaadaynin qiyamkeena iyo waxyaabaha laga rajeynayo askarta. Dhacdadaan baaritaan ayaan ku wadnaa.”

Milatariga ayaa waxay sheegeen in mid ka mid ah ragii lagu dilay hawlgalkaas uu ahaa was Shadi Zakarneh, kaas oo ay ku tilmaameen “in uu masuul ka ahaa hagista iyo qaadista weeraro ka dhacay wuqooyiga Daanta Galbeed.”

Waxay sheegeen in uu ahaa “madaxa koox argagixiso” oo ku sugan gudaha Qabatiya balse ma aysan sheegin kooxda uu ka tirsan yahay magaceeda.

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo qurbajoogta ee Falastiin eek u sugan Daanta Galbeed ayaa waxa uu ku qeexay dhacdadaan in ay tahay “dambi” sida uu ku daabacay boggiisa X, waxa uuna intaa ku daray in tani ay muujineyso “cadaawadda” ciidamada Israa’iil.

Afhayeen amniga Aqalka cad ee Maraykanka John Jibry ayaa waxa uu ku qeexay muuqaalka “mid aad loo dhibsado”.

“hadii ay cadaadato dhabnimada muuqaalkaan, waxay si cad u muujin doontaa cadaawad iyo dhaqan aad u xun oo ay ku kaceen askar xirfadlayaal ah,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.

Waxaa aad u sii badana falalka gacanka ka hadalka ah ee ka dhaca Daanta Galbeed tan iyo weerarkii Xamaas ee 7 dii October iyo dagaalkii ku xigay ee ka bilowday gudaha Qasa.

Tan iyo xilligaa ilaa 690 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay aaggaas, sida uay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin, xilli ay aad u sii xoojinayaan ciidamada Israa’iil hawlgalladooda iyo qabqabashada ay sameeyeen ee maalinlaha kuba dhow.

Israa’iil ayaa waxay sheegtay in ay yaraneyso weerarada Falastiin ee Daanta Galbeed iyo Israa’iil, taas oo ugu yaraan lagu dilay 33 Israa’iiliyiin ah.

Gudaha Qasa, wax ka badan 41,000 00 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay hawlgallada milatariga Israa’iil, sida ay sheegat wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.

Ad
Previous articleWiilkii Museveni oo sheegay in aanu aabbihii la tartami doonin
Next articleMa Dhabaa in Laftagareen iyo Xasan shiikh Heshiiyeen?