Home Wararka Caalamka Askar Israel ah oo lagu dilay magaalada Rafax

Askar Israel ah oo lagu dilay magaalada Rafax

0

Ciidamada Israel ayaa sheegtay in saddax askari oo ka tirsanaa guutada Nahal lagu dilay dagaal ka dhacay daanta gabeed ee Gaza. Askarta Israel kaga dhimatay ilaa markii uu dagaalka bilowday ayaa ah 639 iyo 290 oo ku dhimatay markii uu bilowday howlgalka dhulka.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in saddaxda askari ay ku dhinteen qarax ka dhacay dhismo ku yaal Rafax. Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay in sidoo kale sarkaal iyo labo askari ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa.

Goobjoogo ayaa sheegay in tobaneeyo ay ku dhinteen kuna dhawacmeen weerarka diyaaradaha ku qaadeen xerada barakacayaasha ee Al-Mawasi ee galbeedka magaalada.

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in dhammaan isbitaalada waaweyn iyo xarumaha caafimaadka Rafax aysan shaqeyneynin.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay aqalka cad, John Kirby, ayaa sheegay in Mareykanka uusan aaminsaneyn in Isreal ay qaaday duullaan buuxa.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika
Next articleDoorashadii Puntland ee Sababtay in Dhiig ku Daato oo laisku Raacay in markale laqabto