Shil diyaaradeed ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ku dhintay labo qof oo kala ahaa arday duuliye ah iyo tababarihiisa.
Diyaaradda badbaaday waxaa la socday rakaab dhan 44 qof oo 5 ka mid ah ay yihiin shaqaalihii diyaaradda, waxaana iyagoo bad-qaba dib loogu celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.
Diyaaradda burburtay waxaa lahaa Iskuul lagu barto duullimaadka, waxayna ku dhex burburtay Beerta Qaranka ee Nairobi, halkaas oo laga helay meydka labada qof iyo burburkii diyaaradda.
Diyaaradda rakaabka ee Safarilink ayaa dib ugu laabatay garoonka Wilson ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay inay u socotay magaalada xeebta ku taalla ee Diani oo isla dalka Kenya ka tirsan.
Duuliyaha nool ee waday labada diyaaradood ee isku dhacday midii rakaabka siday ee badbaaday ayaa ka sheekeeyey sida uu shilkaasi u dhacay, wuxuuna sheegay in diyaaradda uu waday ay mar qura la kulantay “jug weyn” wax yar kadib markii ay ka kacday garoonka.
Diyaarada Cessna oo uu maamulo iskuulka duulimaadyada ee Ninety Nine ayaa ku burburtay beerta xaywaanada oo qiyaastii 10 KM u jirta garoonka ay ka kacday diyaaradda rakaabka siday.
Hay’adda duulista rayidka ee Kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shilku uu dhacay abaare 10:05 xilliga maxalliga ah Talaadadii maanta, isla markaana ay socdaan baaritaano ku saabsan shilkaas.