Home Wararka Maanta Aqalka Sare oo Soo Faragaliyay Khilaafka Ka dhaxeeya Puntland iyo Dowlada Soomaaliya

Aqalka Sare oo Soo Faragaliyay Khilaafka Ka dhaxeeya Puntland iyo Dowlada Soomaaliya

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ka dalbaday inay soo fara-geliyaan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Aqalka Sare laga doonayo in arrinta dowlad-goboleedka Puntland door fir-fircoon ka qaataan, maadaama si toos ah u metalaan dowlad-goboleedyada, si xal loogu helo tabashada ay qabto dowlad-goboleedkaas.

“Puntland way carootay iskumana aanay dayin oo caro ayay ku maqan tahay ee Aqalka Saroow naga hormara idinka hala idin aqbalo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo hortegay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya

Khilaafka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo loo rogay mid u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa salka ku haya dano shaqsi ah, iyada oo labada nin ay aad u kala fogaadeen tan iyo markii la magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo la sheegay inuu Deni si weyn u daneynayey.

Sidoo kale waxaa xiisadda uga sii darey tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia, oo ayadu baarlamaanka marsatay cutubyo kamid ah dastuurka, oo loo dhigay sida ay rabto, kuwaasi oo meesha ka saaraya hanaankii hore ee doorashooyinka dalka.

Puntland ayaa tan iyo markaas sheegtay inay si madax-banaan u dhaqmeyso inta laga dhameystirayo dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayada oo eedeymo dhowr ah u jeedisay dowladda federaalka.

Inkasta oo ay socdaan dadaallo ay wakiiladda caalamka ku doonayaan in miiska wada-hadalka la isugu keeno madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, haddana ma jiro illaa hadda wax isku dhowaansho ah oo labada dhinac ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleTrump oo Si layaab leh u weeraray Ilhaan Cumar
Next articleDibad-baxayaal careysan oo u daatay saldhigyo milatari oo Israa’iil leedahay