Home Wararka Maanta Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta

Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta

0

Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Tallaabadan ayaa waxey ka dhigan tahay in qof waliba ay tahay inuu qaato kaarka aqoonsiga (National ID).

Tani ayaa noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helista dhibaatada aqoonsi la’aanta, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, iyo la falgalka hey’adaha dowladda.

Wasaaradda Arrimaha guduha dowladda Soomaaliya, ayaa waxay qorshaynaysaa sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan.

Sida lagu qoray bogga golaha aqalka sare, hindise sharciyeedkan, ayaa waxay golaha shacabka meelmariyeen Bishan March 1-geedii, sanadkan 2023, halka golaha aqalka sarana ay maanta gudbiyeen.

Ad
Previous articleNin banki uu lacag badan ka dhacay ku tilmaamay “waajib diimeed oo uu gutay”
Next articleDab xooggan oo ka kacay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho