Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay dagaalyahannada ka tirsan Jabhadda Xoraynta Oromada (Oromo Liberation Army – OLA) inay geysteen kufsi wadareed, addoonsi galmo iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha ku nool gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya, xilli uu halkaas ka socdo dagaal hubeysan.
Warbixin cusub oo ay hay’addu soo saartay, isla markaana cinwaan looga dhigay “Cidna ima badbaadbaadin: Kufsi wadareed, addoonsi galmo iyo barakac ballaadhan oo ku dhacay haweenka gobolka Oromiya ee Itoobiya,” ayay Amnesty ku sheegtay inay diiwaangelisay ugu yaraan 10 kiis oo la xidhiidha rabshado galmo oo ka dhacay degmooyinka Sayo iyo Anfillo ee gobolka Kellem Wallaga, kuwaas oo kamid ah meelaha ay ku xooggan yihiin ciidamada OLA.
Amnesty International waxay sheegtay in dagaalka u dhexeeya ciidamada OLA iyo kuwa dowladda Itoobiya – oo ay ku jiraan Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), Booliska Gaarka ah ee Oromiya, Booliska gobolka Oromiya iyo maleeshiyaad deegaanka ah – uu buuxiyay shuruudaha dagaal hubeysan oo gudaha ah sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.
Warbixintu waxay sidoo kale muujisay walaac ku saabsan in si xaddidan loo diiwaangeliyay xadgudubyada ka dhacay Oromiya, taasoo ay sabab uga dhigtay go’doominta isgaadhsiinta ee gobolka lagu soo rogay sanadkii 2019, iyo xayiraado kale oo ka hor istaagay hay’adaha xuquuqda aadanaha inay si buuxda u gaadhaan goobaha ay colaadaha ka jiraan.
Hay’adda Amnesty International ayaa ugu baaqday jabhadda OLA inay si degdeg ah u joojiso weerarrada lagu beegsanayo dadka rayidka ah, isla markaana si cad u qirato xadgudubyada ay geysteen qaar ka mid ah dagaalyahannadeeda, ayna ogolaato in baadhitaanno madax-bannaan lagu sameeyo eedeymahaas.
Sidoo kale, hay’addu waxay ugu baaqday dowladda Itoobiya inay sameyso baadhitaanno lagu kalsoonaan karo oo lagu ogaanayo rabshadaha galmo ee colaadda, kuwaas oo ay geysteen dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka.
Dhanka kale, warbixin uu hore u daabacday wakaaladda wararka ee Associated Press, hoggaamiyaha jabhadda OLA, Kumsa Diriba oo loo yaqaan Marroo, ayaa si cad u diiday eedeymaha loo jeediyay dagaalyahannadiisa, isaga oo sheegay in dagaalkooda aanu ku wajahnayn dadka rayidka ah.



