Home Wararka Maanta Amiirka Guud ee AlShabaab Abuu Cubayda oo fariin u Muuqatay sagootin usoo...

Amiirka Guud ee AlShabaab Abuu Cubayda oo fariin u Muuqatay sagootin usoo diray Ciidamada ATMIS

0

Hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubayda oo soo saaray fariin ku socota ATMIS ayaa ku dheeraaday fashil militeri oo uu sheegay inuu heysto howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo 15 sano si xariir ah uga socda Soomaaliya.

Abuu Cubayda ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in howlgalka Midowga Afrika uu Soomaaliya ka bixi doono isagoo aan gaarin wax hadaf ah, sida uu hadalkiisa u dhigay, “Waxaa hadda loo sameeyey mudo kordhin. Su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay, ma waxay 15 sano ku qaban waayeen ayay 2 sano gudaheed ku qabanayaan?” ayuu yiri Abuu Cubayda.

Wuxuu ku faanay in kooxdiisu ay aad isaga caabisay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo sheegay in hadda ay Al-Shabaab u diyaar garoobeen in si buuxda ay u fashiliyaan howlgalkaan, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Wuxuu soo hadal qaaday duullaankii ay kooxdu bil ka hor ku qaaday xerada ciidanka Burundi ee deegaanka Ceelbaraf, isagoo yiri, “Duulaanadii taariikhda galay waxaa u dambeeyey kii aan ku qaadnay Ceelbaraf, halkaas oo lagu xasuuqay Burundeyska, looguna aaray Muslimiinta deegaannadaas ku nool.”

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubayda wuxuu hadalkiisa ku aadan ATMIS kusoo gunaanaday, “Waxaan leeyahay huwanta Afrikaanka ah, guuldarradu habeenba nin bay la hoyataa ee ku tusaale qaata jabkii Mareykanka kasoo gaarey Afghanistan. Mareykanka oo in ka badan 100 kun oo ciidan ah iyo 100 kun oo qandaraasleyaal ah u joogeen Afghanistan ayaa ugu dambayntii isaga cararay, isagoo aan guulna soo hoyn, hal hadafna xaqiijin.”

 

 

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleNinkii Dilay Raysulwasare Shinzo Abe oo shaaciyey sabab cajiib ah ee uu u Dilay
Next articlePaul Kagame oo sheegay in uu ka fikirayo in xilka uu sii hayo 20 sano oo kale