Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan ayaa dhawaan warbixin u gudbiyay golaha ammaanka, taas oo ku saabsaneyd arrimaha Soomaaliya ayaa uga hadlay qodobo xasaasi ah.
Swan ayaa warbixintiisa marna kusoo hadal qaadin maqnaashaha Puntland, isaga oo carabaabay wax ka beddelka dastuurka dalka oo uu sheegay inay dib u eegis ku socoto cutubyada 5-aad illaa 9-aad.
“Waxaa la dhiirri-gelinayaa wada-hadal ballaaran oo loo dhan yahay si loo gaaro is-wadar ogol siyaasadeed iyo meel-marinta sharciyada doorashada,” ayuu yiri James Swan.
1. Wax ka bedelka dastuurka iyo Horumarrada Siyaasadda:
Dowladda Soomaaliya waxay diiradda saareysaa arrimaha mudnaanta Qaran leh, gaar ahaan wax ka bedelka Dastuurka. Cutubyada 5aad ilaa 9aad ayey dib-u-eegis ku socotaa, waana kuwa ka hadlayo arrimaha awood qeybsiga ka dhaxeeya dowladda Federalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah.
Horay ayaa loogu ruqaansaday dhanka u guurista hannaanka doorasho ee qof iyo codka ah, iyadoo shuruucda aasaasiga u ah dooraashada laga shaqeeyay.
Waxaa la dhiirrigelinayaa wadahadal ballaaran oo loo dhan yahay si loo gaaro is-wadar ogol siyaasadeed iyo meel-marinta sharciyada doorashada.
2. Ammaanka iyo dadaallada la dagaallanka argagixisada:
Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab wali waa muhiimmadda aasaasiga ah ee amniga, iyadoo dowladdu ay sii waddo howlgallada milatari.
Soomaaliya waxay wax ka qabanaysaa dhisidda ciidan, waxayna ka guureysaa Hawlgalka Kumeelgaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) una guureysaa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee la qorsheynayo Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyada oo hirgelinaysa barnaamijyo xasillineed.
3. Xiisadda gobolka iyo dublamaasiyadda:
Wal-wal ayaa laga muujiyay xiisadda gobolka ee ka dhalatay heshiiska is afgaradka ah ee Ethiopia la gashay Somaliland. Waxaa la oso jeediyay in arrinta loo xalliyo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
Dadaallo dublamaasiyadeed oo ay kamid yihiin wadahadallo ay Turkidu dhexdhexaadineyso ayaa muhiim loo arkaa si loo xakameeyo xaaladda.
Xiisadda Sool iyo Sanaag ayuu ka hadlay, isagaoo ku baaqay helitaanka wadooyin bani’aadamnimo iyo gargaar.
4. Caqabadaha bani’aadamnimo iyo kuwa horumarineed:
Isbeddelka cimilada ayaa loo arkaa inuu yahay sabab keenta colaadaha, waxaana la wadaa dadaallo lagu dhisayo adkeysiga iyada oo loo marayo helitaanka Sanduuqa Cimilada Cagaaran
5. Xilliga kala guurka hawgalka QM ee Soomaaliya
Tani waxay daba socotaa wadahadallo lala yeeshay hoggaanka Soomaaliya, Qaramada Midoobayna waxay rajeyneysaa inay taageerto mudnaanta qaran ee Soomaaliya.