Home Wararka Maanta Amarada Trump ee Soomaalida Sida Gaarka ah u Saamaynaaya

Amarada Trump ee Soomaalida Sida Gaarka ah u Saamaynaaya

0

Dhammaan Amarada Fulinta ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saxiixay ee ku saabsan socdaalka, waxaa jira mid ka mid ah oo keenay cabsi jahwareer ba’an – isla markaana si weyn u xaddidi kara awoodda dadka ka soo jeeda dalal badan u galaan Maraykanka, xitaa booqasho kooban.

Trump wuxuu amar ku bixiyay Waaxda Amniga Gudaha, Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka inay, muddo 60 maalmood ah gudahood, soo gudbiyaan liis ay ku qoran yihiin dhammaan dalalka ay hay’aduhu u arkaan inaysan si habboon u hubin dadka doonaya inay booqdaan, ku noolaadaan ama wax ku bartaan Maraykanka.

Amarka fulinta, oo loogu magac daray “Ka Ilaalinta Maraykanka ee Argagixisada Shisheeye iyo Khataraha Kale ee Amniga Qaranka iyo Badqabka Dadweynaha,” ayaa waxaa lala barbar dhigay “mamnuuciddii Muslimiinta” ee Trump uu hirgeliyay muddadii uu xafiiska joogay ee ugu horreysay.

Amarkaas wuxuu xannibay dadka u dhashay lix dal oo Muslim ah – oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Iran – iyo Waqooyiga Kuuriya inay galaan Maraykanka. In ka badan 700 oo musaafir ah ayaa la xiray, ilaa 60,000 oo fiiso ayaa “si ku meel gaar ah loo joojiyay.”

Hindisahani cusub ayaa la filayaa inuu aad uga sii ballaarto kii hore, oo saameeyo ugu yaraan 20 dal, oo ay ku jiraan Gaza, Soomaaliya, Suuriya iyo dalal kale oo ay Muslimiin badani ku nool yihiin.

Amarka fulinta ee Trump waxa kale oo uu farayaa Waaxda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha kale inay baaraan dadka u dhashay dalalkaasi ee u soo haajiray Maraykanka tan iyo 2021, markii uu dhammaaday muddadii ugu dambaysay ee Trump xafiiska joogay.

“Maraykanku waa inuu hubiyaa in ajaanibta la oggolaaday iyo ajaanibta kale ee horeyba ugu sugan Maraykanka aysan lahayn dhaqan cadowtinimo ah oo ka dhan ah muwaadiniinteeda, dhaqankeeda, dawladeeda, hay’adaheeda, ama mabaadi’deeda aasaasiga ah…,” ayaa lagu xusay amarka fulinta.

Xildhibaan Ilhan Omar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, kuna dhalatay Soomaaliya oo ku noolayd xero qaxooti ka hor inta aysan imaan Maraykanka, ayaa tiri, “Mamnuuciddii Muslimiinta ee muddadii ugu horreysay ee Trump waxay kala daadisay qoysaska degmadayda, iyadoo dad badan oo ka mid ah dadka aan matalo ay u diiday inay dib ula midoobaan kuwa ay jecel yihiin.”

“Aniga oo ah qof halkan uga yimid qaxooti ahaan mid ka mid ah dalalkii ay maamulka Trump mamnuuceen, waxaan ogahay sida ay u burburisay siyaasaddan nacaybka ah dadka adduunka oo dhan ee raadinaya nolol wanaagsan oo ah Maraykanka,” ayay tiri Omar.

“Soomaali Amerikaanka ee degmadayada ku nool, si gaar ah, waxay dareemeen dhibaatada siyaasaddan arxan darada ah, iyadoo waalidiin, xaasas, iyo caruur ay ku xayiran yihiin meel aan la ogaan karin – oo wajahaya kala tag aan xad lahayn kaliya sababtoo ah halka ay ku dhasheen.”

Omar waxay sheegtay in xitaa ka dib markii la qaaday xayiraaddii ugu horreeyay, qoysas badan oo qaxooti ah oo ku sugan Minnesota ay weli sugayeen in ay dib ula midoobaan dadkooda.

“Amar mustaqbalka soo baxa wuxuu kaliya sii qoto dheereyn doona dhaawacyadan oo xoojin doona nacaybka shisheeye, midab-takoorka iyo Islaam naceybkaa,” ayay tiri Omar.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Danjirayaal uu ku jiro kan Falastiin
Next articleDonald Trump oo ku adkeystay inay Qasab ku aqbalayaan Masar iyo Urdun dadka barakacay ee reer Gaza