Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Amar uu soo Saaray Axmed Madoobe oo Ka Shaqeyn Waayay Jubbland

Amar uu soo Saaray Axmed Madoobe oo Ka Shaqeyn Waayay Jubbland

0

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan soo saaray amar ku socda shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka howlgala, kuwaa oo la farayay in aysan ka degi karin deegaanka Raaskanbooni ayna halkaasi geyn karin ciidamo iyo saanad milatari.

Amarka kasoo baxay maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaana ilaa hadda shaqeyn, waxaana maanta kaliya deegaanka Raaskanbooni gaaray dhowr diyaaradood oo wada ciidamo iyo sidoo kale  saanad ciidan .

Diyaaradaha ka degay deegaanka Raaskanbooni ayaa ah diyaarado ay leeyihiin shirkado Soomaaliyeed oo dalka ka howlgala, waxaana diyaaraaha kireestay oo ciidanka iyo agbakaba ku qaadanaya dowladda Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay diyaaradaha maanta ka degay deegaanka Raaskanbooni ayaa waday saanad iyo agabyo ay kamid yihiin internetka iyo isgaarsiinta, maadaama maamulka Jubbaland uu jaray adeegii isgaarsiinta ee deegaannadaasi ka jiray.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaana la ogeyn tallaabada uu ka qaadi doono shirkadaha diyaaradaha ee jabiyay amarkooda, waxa ayna tallaabadan muujineysaa in dowladda wali awood u leedahay in deegaannada Jubbaland ciidamo kusii daabusho.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleXasan shiikh oo Digniin Adag U Diray Ganacsatada Alshabaab Lacagaha Siiya
Next articleDiyaaradihii Nayroobi ee kismaanyo imaan jiray oo la hakiyay iyo axmed Madoobe…