Home Wararka Maanta Amaanka Madaxtooyada Soomaaliya oo aad loo adkeeyey Maxaa soo kordhay

Amaanka Madaxtooyada Soomaaliya oo aad loo adkeeyey Maxaa soo kordhay

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan si weyn loo adkeeyay amniga xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo baxeen digniino ku aadan weeraro horleh oo ay qorsheyneyso kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa ilaalada madaxtooyada ayaa xalay bilaabay dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ay ku sugayaan amniga xarunta Villa Soomaaliya iyo agagaarkeeda, cabsi laga qabo weeraro ay Al-Shabaab ka gaysan karaan halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada ay xalay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen dhammaan waddooyinka gala xaruntan oo ay dagan yihiin madaxda ugu sarreysa ee dalka, waxaana inta badan gaadiidka iyo dadweynaha laga celinayaa aagga madaxtooyada, maadaama ay feejigaan ku jiraan ciidanka amniga.

Sidoo kale ciidamada ayaan ogoleyn in gudaha loo galo dhismaha madaxtooyada ama in laga soo baxo, waxayna dadka ku wargeliyaan inuu jiro amar guud oo lagu xadiidayo dhaq-dhaqaaqa laga sameeyo aagga Villa Soomaaliya.

Sababta ugu wayn ee arrintan loo sameynayo ayaa ah kadib digniino kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo lagu sheegay in Al-Shabaab ay mar kale weeraro ka fulin karto gudaha caasimada, gaar ahaan baraha koontarool ee laga ilaaliyo madaxtooyada , hoteellada caasimada, baraha koontarool ee KM4  iyo xeebta Liido.

Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay inay heshay digniin cusub oo ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku jiraan illaa 5 gaari oo ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Xafiiska QM ayaa shacabka uga digtay inay tegaan goobahaasi oo ay sheegtay inay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay beegsato kooxda Al-Shabaab.

Farriintan digniinta ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in xafiiska ay waajib ku tahay inuu mar kasta soo gudbiyo dhaq-dhaqaaq kasta oo shaki abuuri karo, si looga digtoonaado.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowlad-goboleedka Puntland oo soo saartay Digniin culus
Next articleCiidamada Itoobiya oo Ka Baxay Saldhigii Ugu Horeeyey Kadib Khilaafkii Soomaaliya Iyo Itoobiya(Sairo)