Home Wararka Maanta Alshabaabkii Ugu Badnaa oo Shalay Lagu laayay Galmudug iyo Maydadkoodii oo Lasoo...

Alshabaabkii Ugu Badnaa oo Shalay Lagu laayay Galmudug iyo Maydadkoodii oo Lasoo Bandhigay

0

 Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee gobolka Galgaduud ayaa galabta Alshabaab ku qaaday weerar culus oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Cawsweyne iyo Mesegawaay, waxaana dhacay dagaalkii ugu cuslaa.

Muuqaal ay soo duubeen askarta dagaalka ku jirtay ayaa muujinaya in gacanta la isula tegay oo dagaal la isku riiqmay uu ka dhacay goobta, waxaana goobihii lagu dagaalamay la wareegay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi oo la hadlay TV-ga dowladda ayaa sheegay in tirada Shabaab-ka lagu dilay dagaalkii galabta uu kor u dhaafayo 50 xubnood.

Taliyaha ayaa sheegay inay ka war-heleen in Shabaab ay isku uruursanayaan dhulka howdka ah ee bariga gobolka Galgaduud, isla markaana ay ku Qaadeen weerar culus.

“Dhagarqabayaasha la dilay waxaa ka mid ah Horjooge Xuseen Cali oo ahaa nin caanka ah oo hoggaamiya jabhadaha, shartiisa maanta ayaan soo afjarnay, sidoo kale Horjooge Ayman oo ka mid ahaa dhagarqabayaasha dadka dhibay ayaa dhaawac culus ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka.

Al-Shabaab oo galabta lagu jebiyey dagaalkii dhacay ayaa la sheegay inay u firxadeen dhanka deegaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud.

Xogaha madaxa-banaan ee Mudug24 ay ka heshay dagaalkaas waxay sheegeysaa in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka dhaawacmeen 8 askari, kuwaas oo diyaarad ciidanka looga soo qaaday goobtii dagaalka.

Waxaa aad u yaraa khasaraha gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, markii la eego kan gaaray Al-Shabaab oo halkaas uga cararay meydad tiro beel ah.

Maydadkii Ugu badnaa oo Alshabaab ayaa xalay lakeenay Degmada Ceeldheere Kuwaas oo Ciidamada iyo dadka Deegaanku Dabaal dag Culus Xalay ka sameeyeeen Degmadaas waa khasaarihii ugu Cuslaa ee Maalmahaan Alshabaab Lagu Gaarsiiyo Galmudug Gaar ahaan Gobalka Galgaduud.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleAlshabaab oo War yaab leh kasoo saaray Qarax Habeen Hore Ka dhacay Muqdisho
Next articleXukunka Rag loo haysto Dilka Ardaygii 18ka ahaa ee Dhawaan Muqdisho lagu Dilay