Home Wararka Maanta Alshabaabkii Ku Sugnaa Galmudug oo Is laayay

Alshabaabkii Ku Sugnaa Galmudug oo Is laayay

0

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Dagaalka oo soo bilowday shalay, soona gaaray illaa xalay ayaa si gaar ah uga dhacay tuulo lagu magacaabo Dhagaxyaaley oo dhanka waqooyi galbeed uga beegan deegaanka Waniile ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa waxaa kala hoggaaminayo Kaba-kutukade iyo horjoogo kale oo deegaan ahaan kasoo jeedao dhanka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgauud.

Sida ay ogaatay Warbaahintu, labada dhinac ee ka wada tirsan Khawaarijta ayaa isku khilaafay xoolo ay qafaalasho ahaan uga soo wateen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanadaasi, taas oo la’isku fahmi waayay, waxayna arrinta isku rogtay dagaal toos ah.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay hoggaanka sare ee maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada labada garab ee ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Marar badan ayaa Shabaab dhexdooda sidaan oo kale ay ugu dagaalameen deegaannada ay ka arrimyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ka dhasha khasaare ay dhexdooda isu gaystaan maleeshiyaadka Khawaarijta oo sidoo kale halis ku haya shacabka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Booqday Dhawacyadii Macawislayda Hiiraan iyo Kuwa Xooga Dalka
Next articleDowlada Soomaaliya oo Si cad uu diiday Qorshaha Trump ee reer GAZA