Home Wararka Maanta Alshabaab weerar kusoo ahaa Ciidamada Dowlada oo ayagii weerar lagu Qaaday...

Alshabaab weerar kusoo ahaa Ciidamada Dowlada oo ayagii weerar lagu Qaaday iyo dagaal Culus oo dhacay

0

Dagaal xooggan ayaa xalay waxa uu Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa sida aan xog ku helnay waxa uu yimid kadib markii ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad ay weerar ku qaadeen xarunta ay Al-Shabaab ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee degmada Deeyniile.

Xog ay heshay Mudug24 ayaa sheegeysa in kooxda la weeraray ee Shabaabka ay wadeen qorshe ay weerar kusoo qaadaan Muqdisho, balse ay ka war-heleen booliska, kadibna ay weerar ku qaadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta hubka noocyadiisa kala duwan, oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalka.

Xog horudhac ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Shabaabka laga dilay laba maleeshiyo, mid kalena laga dhaawacay, halka ciidamada Haramcad laga dhaawacay hal askari. 

War kasoo baxay Taliska markii Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka lagula wareegay xarumihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Daynile, sidoo kalena dagaalkii ay la galeen ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaa Ilaahay mahadiis dagaal xooggan kadib ciidamada Tawxiidka u suurtagashay inay jebiyaan maleeshiyadii kooxda Al-Shabaab.”

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka. 

Dhowr jeer ayaa Ciidamada Booliska Haramcad iyo kuwa NISA ay weerareen Xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee degmada Dayniile, balse ay dib uga soo laabteen.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Digniin Culus soo saartay Digniin Culus ku wajahan 9 gobol
Next articleXaalad adag oo Nairobi ku qabsatay Dayuurad uu la socday taliye Mahad Salaad