Home Wararka Maanta Alshabaab Weerar Isku diyaarinaayay oo Ayagii laga Dul Dhacay

Alshabaab Weerar Isku diyaarinaayay oo Ayagii laga Dul Dhacay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay maanta howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada 14 October ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah Kaaytooy, Mushaani, Majabta iyo Waagaade oo dhamaantood hoostaga Janaale.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi, iyada oo lagu sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 66-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal ay Khawaarijta ku gaarsiiyeen jab xooggan ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka shabeellaha hoose” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa warsaxafaadeedka lagu sheegay in ciidamada ay heleen xogta Al-Shabaab oo isku uruursanayay halkaasi, si ay u soo wareeraan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, balse lagu qaaday weerar dhowr jiho ah oo lagu jabiyay.

Geesiyaasha Qarankeenna oo helay xogta Khawaarij isku Abaabuleysay inay soo weeraraan fadhiyada guutada 14-ka October iyo Atmis ee Janaale ayaa weerar dhowr jiho ah kaga hortagay damicii Argagixisada, khasaarre xoog leh ayaana ku gaaray goobihii lagu weeraray Maleeshiyaadkii ay Khawaarijtu diyaarineysay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Shabeelaha Hoose, gaar ahaan aagga Janaale.

Inta badan waxaa gobolka isku fara saara ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo weli ku xoogan deegaano kamid ah gobolkaas oo ay kasoo abaabulaan weeraro iyo qaraxyo.

Ad
Previous articleGudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Madaxwayne Biixi ku eedeeyay sharci jebin
Next articleDowlada Soomaaliya oo markay Ka Adkaatay Dulimaadyada U jeesatay Xawaaladaha