Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Qoryooley, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka oo xoogganaa ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin bannaanka magaalada, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare culus.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa warbaahinta u sheegay in xubnaha Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyay goobta, kadib markii ay jilibka u dhigteen ciidanka ku sugnaa saldhigga lagu dagaalamay oo la sheegay in ka feejignaayeen weerarka kooxda.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegaya inay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna ka dileen tobaneeyo ka mid ahaa xubnaha weerarka soo qaaday, ayna meesha uga carareen qaar kamid ah meydadka xubnaha looga laayay dagaalka maanta.
Sidoo kale saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhankooda ay ka dhinteen laba askari, balse ay dib u celiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.
Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee ay guusha ka sheegatay dowladda dhexe.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada halkaasi.
Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobollada ay weli ka socdaan howlgallada xoreynta ah, waxaana badanaa ku dagaalamayaa ciidamada huwanta iyo Khawaarijta Al-Shabaab.