Home Wararka Maanta Alshabaab Qarax aasaayay oo Gacanta Lagu Dhigay

Alshabaab Qarax aasaayay oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu soo qabtay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada NISA, qaybta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka oo ka dhacay halkaas ayaa lagu soo qabtay ninkan oo ku howlanaa diyaarinta weerar qarax ah.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ninka lasoo qabtay uu qarax miino ku aasayay magaalada, balse ay kortageen, kadibna ay gacanta ku dhigeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ujeedkiisa uu ahaa in qaraxaas uu ku dhibaateeyo shacabka iyo ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi.

Laamaha amniga ayaa sidoo kale sheegay in weli baaris ay ku hayaan eedeysanaha, isla markaana ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Howlgalkan ka dhacay Baraawe ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi oo ah caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.

Ad
Previous articleHub Caawa Ka Dagaaya Magaalada Muqdisho iyo Wadooyinka oo Xiran
Next articleMuxuu Ahaa Xalay Markabkii Hubka Laga Dajiyay ee Kusoo Xirtay Dekada Muqdisho