Home Wararka Maanta Alshabaab ooo Khaarijiyay Sarkaal sare oo KaTirsanaa Saraakiisha Kenya

Alshabaab ooo Khaarijiyay Sarkaal sare oo KaTirsanaa Saraakiisha Kenya

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay agagaarka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya.

Weerarka oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Naani ayaa waxaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada booliska dalka Kenya, kaas oo goobta lagu dilay.

Magaca sarkaalka ayaa waxaa lagu sheegay Deeqow Isaaq Aadan, wuxuuna amniga kala shaqeynayay ciidamada Kenya ee ka howlgala gobolka Waqooyi Bari, gaat ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la dilayay uu waday howlgal amni xaqiijin ah, waxaana weerar gaadmo ah kusoo qaaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo goobta ku dilay, kadibna baxsaday.

Dhinaca kale ciidamada Kenya ayaa saaka howlgallo ka wada aagga magaalada Gaarisa, waxayna baadi goobayaan xubnaha Al-Shabaab weerarka ka fuliyay halkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa aad u xumaa amniga gobolkan, waxaana weerar joogta ah ka fulinayay xoogaga Al-Shabaab, kuwaas oo beegsada xarumaha ciidamada iyo gaadiidka dadweynaha, iyaga oo mararka qaar afduub ka gaysta deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Ad
Previous articleNinkii Dilay Ridwaan Ibraahim Cabdullaahin oonXukun Adag lagu Riday
Next articleQaraxyo Mudo Dheer Kadib Ka dhacay Degmada Jalalaqsi