Home Wararka Maanta Alshabaab oo Xalay Weerar kusoo qaaday Ciidamada Dowlada ee ku sugna Duleedka...

Alshabaab oo Xalay Weerar kusoo qaaday Ciidamada Dowlada ee ku sugna Duleedka Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada caasimad aah ee Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana xigay dagaal toos ah, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay oo muddo kooban socday, maadaama ay ahayd xilli habeen ah xog badana aan la heli karin.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga ee ku aadan weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada ammaanka ay haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan aagga lagu dagaalamay, waxaana ciidamadu ay baadi goobayaan xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gudaha dalka, waxaana badanaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo Saraakiil Ciidan u Xir Xirtay Qaraxii ka Dhacay Xeebta Liido
Next articleYaa ka Danbeeyey Dilka Ganacsade Yuusuf Cali Xuseen oo Xalay La dilay