Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday Ku qaaday Ciidamada Dowlada o dhawaan...

Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday Ku qaaday Ciidamada Dowlada o dhawaan Qabsaday Magaaladaan

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar rogaal celis ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaano dhowaan uun lagala wareegay oo ku yaalla duleedka magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ka dhacay agagaarka deegaanka Buuloxaaji ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa Danab iyo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, kaas oo qaatay saacado badan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu xooganaa, isla markaana ay maqlayeen daryanka hubka culus ee ay is weydaarsanayeen labada dhinac, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ugu yaraan illaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland ayaa weerarka lagu dilay, halka lagu dhaawacay tiro lale, kuwaas oo la gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo ka hadlay dagaalkan waxa ay sheegeen inay iska difaaceen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna gaarsiiyeen khasaare culus.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli ciidamada ay kusii siqayaan deegaano horleh oo ku yaalla gobolkaas, si ay uga fara maroojiyaan Al-Shabaab.

Ad
Previous articleCiidamada Macawislayda Hiiraan oo Maantay Magaalo Wayn Alshabaab ka saaray Xili Dagaal Culus Bilowday
Next articleWasiirada Soomaaliya oo maanta ansixiyay laba sharci oo muhiim ah