Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar layaab leh Ka Fuliyay Degmada Balcad Askar Badana Ku...

Alshabaab oo Weerar layaab leh Ka Fuliyay Degmada Balcad Askar Badana Ku laayay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab xalay ku qaadeen qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo loo qorsheeyey si la yaab-leh.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu beegsaday bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin dhanka waqooyi ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay inay iska soo dhigeen shacab, islamarkaana ay soo raaceen gaari rakaab ah, kadibna ay rasaas ku fureen ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan 6 askari, halka ay ku dhaacwacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Xoogaga Al-Shabaab ee weerarka qaaday ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse ciidamada ammaanka ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka wada nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Balcad ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey qaraxii miino ee todobaadkii hore ka dhacay maqaaxi ku taalla degmadaasi.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleCiidamada Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Shalay Gaalkacyo Dad ku Laayay
Next articleRuushka oo Talaabo Adag ka Qaaday Dowlada Finland Kadib Codsigii ay Udirsadeen NATO