Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Ku Qaaday Xeradaan oo Balcad Ku taal

Alshabaab oo Weerar Ku Qaaday Xeradaan oo Balcad Ku taal

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ku bilowday madaafiic ayaa waxaa lagu ekeeyay xero ay ciidamada milatariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Raaxoy oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar, waxaana xiga dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in dagaalka uu saacado badan qaatay, isla markaana weerarka madaafiica kadib ay maqleen rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, maadaama ay ahayd xilli habeen ah oo aanan la heli karin xog rasmi ah.

Ciidamada dowladda dhankooda waxay saraakiil u hadashay sheegeen inay ka hortegeen A-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dib u celiyeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana aagga Balcad howlgallo culus ka wada ciidamada Xoogga dalka oo baadi goob ugu jiro raggii weerarka kusoo qaaday.

Ammaanka waddada xiriirisa labada magaalo Balcad iyo Jowhar ayaa muddooyinkan aad u liitay, waxaana weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab wajigii koowaad ee dagaalka, haddana waxaa weli ka socdo howlgalo ay iska kaashanayaan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Sirdoonka NISA oo Sheegay in Xubno ka tirsan Shabaab lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin looga bixiyay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Sabiid iyo Caanoole oo lagu bartilmaamaysaday horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda

Abiy Ahmed oo Sheegay in Itoobiya aysan Rabin Dagaalka Ereteriya si ay Bad u hesho

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.

Gudiga Doorashada Somaliya oo Sheegay in Bisha June La Qabanayo Doorasho Qof iyo Cad ee Dowladaha Hoose

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinkii ugu horreeyay ee qof iyo cod ee golayaasha deegaanka la qaban doono bisha Juun ee soo socota. Guddoomiyaha

Dowlada oo soo bandhigtay Magacyada Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ee Duqeynta lagu dilay

Taliska Militariga Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku faah faahiyay magacyada horjoogayaal iyo nabadoono ka tirsan Al shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday bartamaha Soomaaliya. Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Degmada Cadale kula afuray Madax kala duwan iyo Saraakiil:- Sawiro

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee
Ad
Previous articleSoomaliland oo Ka Hadashay Dagaalada Kasoo Cusboonaaday Gobalada Sanaag
Next articleItoobiya oo Hadal Beer laxowsi ah kasoo Saartay Ciidamada Masaarida ee Soomaaliya Lakeenayo