Home Wararka Maanta Alshabaab oo weerar ku Qaaday Saldhigaan oo ay Daganyihiin Ciidamada Dowlada Somaaliya

Alshabaab oo weerar ku Qaaday Saldhigaan oo ay Daganyihiin Ciidamada Dowlada Somaaliya

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo ay maanta maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Weerarka oo aha mid xoogan ayaa lagu eekeeyay saldhigga, waxaana kadib xigtay rasaas ay u jawaabeen ciidamada ku sugnaa xerada la weeraray.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha saldhigga, kadibna uu xigay iska hor imaad kooban.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in aanu jirin khasaare soo gaaray ciidamada, isla markaana ay ka feejignaayeen weerarka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ma shaacin Al-Shabaab khasaare uu gaystay weerarkooda, balse waxa ay tilmaameen inay beegsadeen saldhig ay ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin halkaasi.

Ad
Previous articleItoobiya oo Si Adag ugu Hanjabtay Dowlada iyo Dadka Soomaaliyeed
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Dalka Asmara