Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Magaalada Baydhabo

Alshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Magaalada Baydhabo

0

Alshabaab ayaa Saakay Arooortii Dagaal Qaraar ku Qaaday Magaalada Baydhabo Dagaalkaan ayaana Saacad Ku dhawaad Ka socda Baydhabo Alshabaab ayaana Ka Danbeeyey Weerarkaan oo Qorshaysnaa.

Dagaalka ayaa Ka dhacay Baydhabo Gaar ahaan Garoonka Diyaarada Magaalada Baydhabo Alshabaab Ayaana Markii Hore Dhowr Hoobiye  Ku Dhuftay  gudaha Garoonka Magaalada Baydhabo Intaas Kadib Alshabaab ayaa Dagaal Toos ah Ku qaaday Garoonka Iyo Naxaawigiisa.

Ciidamada Koonfurgalbeed iyo Kuwa Itoobiya oo Is garabsanaaya ayaana Dagaalka Lagalay Kooxda Alshabaab Dagalka oo qararaa ayaa Alshabaab Muda Kadib Ku labatay Halkii ay weerarka Kasoo Qaadeen.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaana Shaaciyay in la jabiyay Kooxdii Alshabaab ee Weerarka Soo Qaaday Sadexna Laga Dilay Waloow aan wax Cadayn ah lasoo Bandhigin.

Sidoo kale Koonfurgalbeed ma Shaacin Khasaaraha Kasoo gaaray Dagaalkaas Dagaalkaan ayaa Kusoo aadaya Xili Maamulka Koonfurgalbeed Taageray Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalaka Soomaaliya Diidayna in Dalka Lakeeno Ciidamo Kasocda Dalka Masar.

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo Gaaray Boorame Xiisadii Baddana Dab kusii Shiday
Next articleMasar oo ashtako kale oo ka dhanna Itoobiya u gudbinaysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay