Home Wararka Somaliya Jubbaland Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degaankaan oo Laaba Maalin kahor Laga...

Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degaankaan oo Laaba Maalin kahor Laga saaray

0

Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaanka Buula Xaaji oo ay maalin kahor qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Jubbaland, isla-markaana uu aad ugu farxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyay xoreynta deegaankaasi.

Xubno ka tirsan kooxda ayaa lasoo wariyay in weerar aarbushaad ah ay ku qaadeen deegaankan oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo, waxaana kadib xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac.

Iska hor imaadka dhex maray ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo socday muddo daqiiqado ah ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay, waxaana dib loo celiyay dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan Buula Xaaji ayaa sheegay in weli ay joogaan magaalada, ayna wadaan howlgallo ay ku baacsanahaan xubnaha weerarka soo qaaday oo ka baxsaday goobta.

Deegaankan ayaa waxaa horay u tagay mas’uuliyiin ka tirsan  dowlad goboleedka Jubbaland iyo saraakiil ciidan, si ay u dhiirogeliyaan ciidamada xoreeyay halkaasi.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay qabashada Buula Xaaji ayaa u hambaleeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee fuliyay howlgalka looga adkaaday Al-Shabaab.

“Waxaan ku ammaanayaa Ciidammada Halyeeyada Qaranka ee sida geesinimada, Dadaalka iyo Daacadnimadu ku jirto uga xoreynaya Khawaarijta deegaanada fara kutiriska ah ee ay gacanta ku hayaan” ayuu horay u yiri ra’iisul wasaaruhu.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana weli ciidamada ay kusii siqayaan deegaano horleh, iyaga oo kaabiga ku haya degmada Badhaadhe oo weli gacanta ugu jirto kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleMusuuliyiin Sar sare oo Booqday Deegaankaan oo laba Maalin ka Hor Alshabaab Laga Saaray(Sawiro)
Next articleKooxda Xutiyiinta Yaman oo Hubsinaaya Kooxda Alshabaab iyo Wadahadalo U Furmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here