Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shababa oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka kadib uu xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, walow aan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay.
Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna dib u celiyeen xubnihii duulaanka soo qaaday.
Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in khasaare culus dagaalkan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, welina ay sii wadaan howlgallo baacsi ah.
Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo weli baaritaano kasii wada halkaasi.