Home Wararka Maanta Alshabaab oo War yaab leh kasoo saaray Qarax Habeen Hore Ka dhacay...

Alshabaab oo War yaab leh kasoo saaray Qarax Habeen Hore Ka dhacay Muqdisho

0

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii habeen hore ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay sirdoon iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Kooxda ayaa sheegtay in maqaayadda la bartilmaameedsaday ay ku caweeynayeen howl-waddeeno ka tirsan wasaaradaha, sirdoonka iyo ilaalada xarumaha muhiimka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaraxa Al-Shabaab oo u muuqday is-xasuusin iyo inay muujiso in weli Muqdisho ka sameysan karto waxay rabto, maadaama ay bartilmaameedsatay goob ku taalla meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo, xilli ay bilihii u dambeeyay reer Muqdisho ka nasteen qaraxyada argagixisada.

Weerarkan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari ay kooxda ku soo rareen waxyaabaha qarxa, kaasi oo la dhigay banaanka maqaayadda, sida lagu ogaaday warbixinta hordhaca ah ee Booliska.

Goobta la weeraray ayaa waxaa ciyaar ku daawaneysay qaar kamid ah dhalinyarada caasimadda. Waxaana weerarka uu sababay dhimashada illaa 5 qof iyo dhaawaca 20 kale oo dad shacab ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay talisa ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Markii laga soo tago khasaaraha soo gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, waxaa sidoo kale jira khasaare soo gaaray dadkii saarnaa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.

Si kastaba, halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –
Ad
Previous articleCiidamadii ugu Badnaa Oo gaaray Degmada Caabudwaaq iyo Dagaal laga Cabsi Qabo inuu Qarxo
Next articleAlshabaabkii Ugu Badnaa oo Shalay Lagu laayay Galmudug iyo Maydadkoodii oo Lasoo Bandhigay