Home Wararka Maanta Alshabaab oo Soo Buuxdhaafiyay Duleedka Magaalada Kismaayo

Alshabaab oo Soo Buuxdhaafiyay Duleedka Magaalada Kismaayo

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shalay iyo maanta ay Al-Shabaab soo buux dhaafiyeen deegaano u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen agagaarka deegaanada Buulo-xaaji iyo Cabdalle Biroole oo dhaca galbeedka gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ujeedka kooxda Al-Shabaab uu yahay inay weeraraan deegaanadii ugu dambeeyay ee laga qabsaday oo ay kamid ah magaalada Buulo-xaaji.

Sidoo kale waxaa dhaq-dhaqaaqan ka war helay ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland oo iyagana isku fidiyay aagga Kismaayo, si ay uga hortagaan Al-Shabaab.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo ay wadaan labada dhinac.

Indhowaanahan waxaa Jubbooyinka ka socday howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada huwanta, waxaana jiray weeraro ay soo qaadeen Al-Shabaab oo isla iyaga lagu jabiyay.

Si kastaba, waxaa mar kasta la filan karaa inuu dagaal ka dhex-qarxo labada dhinac, iyada oo cabsi xoogleh ay soo wajahday dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Qaraxyo ku Gubay Suuqii Ceelasha Biyaha
Next articleXasan Shiikh oo Shaaciyay Canshuurtii Ugu Badnayd oo Abid Kasoo Xarootay Muqdisho