Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Shacab Farabadan Ka Afduubtay Gobalka Hiiraan

Alshabaab oo Shacab Farabadan Ka Afduubtay Gobalka Hiiraan

0

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Jimcihii ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay afduub ka geysteen gobolkan oo dhaca bartamaha dalka islamarkaana ay ka socdaan howlgallo culus.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee afuubka geystay ay waddada u galeen gaadiid ay la socdeen dad shacab ah oo ku socdaalayey gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay horay u kaxeysteen illaa 20 qof oo la socotay gaar Hoomey ah iyo mid kale oo Noah ah xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Halgan iyo Abuurey ee isla gobolkaasi.

Shacabka la afduubtay iyo gaadiidka ay la socdeen ayaa kasoo baxay dhanka deegaanka Halgan, waxayna ku sii jeedeen dhinaca degmada Buulo-Burte.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha afduubtay dadkaas in la aadeen dhanka howdka, gaar ahaa goobaha ay heystaan Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomalaiya oo ku aadan dhacdadaasi.

Arrintan ayaa walaac xoogan ku abuurtay dadka deegaanka oo markii hore culeys kala kulmayay howlgallada iyo dagaalka haatan ka socda gobolkaasi.

Si kastaba, Hiiraan ayaa ah gobolka uu ka soo billowday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo deegaano iyo degmooyin horleh ka qabsatay kooxda, kadib dagaallo ay qaadeen ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Magaalada Laasacanood
Next articleRabshado iyo Dibad-baxyo ka socda Magaalada Laascaanood oo Rasaas laga maqlayo