Home Wararka Maanta AlShabaab oo shaacisay magaca ismiidaamiyihii fuliyay weerarkii lagu dilay Taliyihii Danab ee...

AlShabaab oo shaacisay magaca ismiidaamiyihii fuliyay weerarkii lagu dilay Taliyihii Danab ee Xasan Tuure

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan shaacisay magaca iyo xogta ninkii fuliyay qaraxii koowaad ee uu ku billowday weerar tooska ahaa oo ay  AlShabaab bishii January ee sanadkan ku qabsadeen magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, walow haatan kooxda dib looga saaray degmadaasi.

Kooxda oo filim ka diyaarisay weerarkaas ayaa ninka fuliyay qaraxa koowaad oo ahaa ismiidaamin ku sheegtay magaciisa Abshir Caamir Isxaaq, kaas oo isku qarxiyay saldhig ay ciidamada Danab ku leeyihiin halkaasi.

Ninkan ayaa sidoo kale muuqaalka ay baahiyeen Al-Shabaab ku sheegay inuu kasoo dagaalamay gobollada Baay iyo Galgaduud oo ka kala tirsan Koonfur Galbeed iyo Galmudug

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii dambe uu ku biiray kooxda is-qarxinta Al-Shabaab, isaga oo ugu dambeyn fuliyay is-miidaamiyay, kuna baxay weerarkii Galcad.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkii Galcad ku dishay askar badan iyo saraakiil ciidan oo uu ku jiray taliye ku xigeenkii ciidamada Danab oo lagu magacaabi jiray, General Xasan Tuure oo hoggaaminayay howlgalladii Al-Shabaab looga saaray gobolka Shabeelaha Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta wareysiyo ay ka duubaan maleeshiyada weerarada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhalinyaradaas lagu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir qaldan oo galaaftay nafahooda.

Maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada dheelmadka ah ee ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda, waxaana u dambeeyay weerarkii deegaanka Masagawaa oo lagu dilay askar iyo odayaal dhaqameed ku heyb ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda federaalka, waxaana sidoo kale qayb ka ah dadka deegaanka.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleDiblomaasiyiinta Mareykanka Oo Laga Daad Gureeyay Dalka Suudaan
Next articleMeydadka dad uu wadaad ku wacdiyay in ay gaajo u dhintaan si ay ilaah ula kulmaan oo lasoo saaray